VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

07 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
  Afrika
Burcad-badeedda Soomaalida
Burcadbadeed Soomaali ah ayaa xeebaha Gacanka Cadmeed ku afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka , markabkan oo nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Victoria ayaa  la qabtay  xilli dambe ooTalaadadii xalay ahayd.
Somalia
Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya aanay u dul qaadan doonin faragalinta uu sheegay in dawladda Eritrea ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Maleeshiyada Islaamiyiinta
Dhowr  iyo toban Qabri oo ku yaalay deegaanka Kasuuma ayaa maamulka islaamiga ah ee Jubbadda Hoose ay maanta oo Talaada ah burburiyeen, waxaanay  ku tilmaameen in ay ahaayeen Qubuuro la caabudo oo si diinta ka baxsan loo siyaarto.
Eritrea
Wasiirka Warfaafinta Eritrea Cali Cabdou ayaa sheegay in dowlada Eritrea aysan aqoonsanayn Dowlada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid Soomaalida lagu qasbay oo ay soo xuleen Dad Ajanabi ah.
Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa badbaadiyay markab laga leeyahay Kuuriyada Qaqooyi, kadib markii ay burcad-badeed ku weerareen biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
Magaalad Baladwayne
Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne ee gobolka Hiiraan ayaa dhalleeceeyay qorshaha madaxwayne Shariif ee ku aadan joogitaanka ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Martida Makrafoonka
Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha, waxa soo diyaariyay Abdulaziz H Osman, waxaana maanta su’aalaha dhagaystayaasha ka jawaabaya guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah gobolka Hiiraan Sheekh Cabdraxmaan Ibraahim.
Voice Of America
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaa kalkan soo diyaariyay Abdusalam M Jama, waxana summad u ah Dawladda Dhexe iyo Kala Mudnaan Siinta Goolasheeda.
Cumar Xaashi Aadan
Dawladda Fedraalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay dawladda Eretria in ay hub ku soo gurayso gudaha Soomaaliya.  Ma’uul u hadlay xukuumadda ayaa Eretria ku tilmaamay dawladda kaliya ee ka soo horjeedda in Soomaaliya cagaceeda isku taagto.
Maydkii Burcadda
Ciidamada Maraykanka ee xeebaha Soomaaliya ayaa maanta maamul goboleedka Puntland u dhiibay maydadka 3 nin oo burcadbadeed ah oo lagu dilay hawlgal lagu badbaadiyay Kabtan Maraykan ah oo burcadbadeedaasi ay afduubeen.