VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

03 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Xukuumadda Soomaaliya oo Eedaysay Tan Eretria


03-May-2009

Cumar Xaashi Aadan
Cumar Xaashi Aadan
Dawladda Fedraalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay dawladda Eretria in ay hub ku soo gurayso gudaha Soomaaliya.  Ma’uul u hadlay xukuumadda ayaa Eretria ku tilmaamayu dawladda kaliya ee ka soo horjeedda in Soomaaliya cagaceeda isku taagto.

Wasiirka Aminga Cumar Xaashi ayaa shir jar’aa’id oo uu maanta oo Axad ah Muqdisho ku qabtay waxa uu ku sheegay in dawladda Eretria ay maalmihii Talaadaadii iyo Jimcihii todobaadkii tagay ay garoonka Balli-dooglle ka soo dajisay diyaarado sida hub iyo rasaas.  Waxa uu intaa ku daray in walba la filayo in uu hub dheeraad ah soo socdo.

Wasiirku ma uusan sheegin jihada uu hubkaasi ku socdo, haseyeeshee waxa uu tilmaamay in Eretria ay markii ugu horeeysa laba sano iyo dheeraad lala dirirayay Itoobiya ayan hub keenin, waa sida uu hadalka u dhigiye, balse ay xilligan biloowday in ay Soomaaliya ku soo gurto hub.

Ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya eedaynta xukuumadda. 

Faahfaahinta warkan ka dhagayso midigta sare ee boggan. 


Download Warbixiinta Xasan Kaafi Qoyste
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Warbixiinta Xasan Kaafi Qoyste
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA