VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

04 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Burcad-badeedda oo Xiriirisay Labada Kuuriya


04-May-2009

Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa badbaadiyay markab laga leeyahay Kuuriyada Qaqooyi, kadib markii ay burcad-badeed ku weerareen biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.

Millatariga Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in goor hore oo maanta ah ay qaylo dhaan ka heleen  markabka Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay haddiiba direen helicoptor, dabadeedna ay burcad-badeeddii markii ay arkeen helicopterka, isla markaana loogu hanjabay in rasaas lagu furayo ay dib uga waabteen markabkii Kuuriyada Waqooyi.

Millatarigu waxa ay sheegeen in wax yar kadib markii reer Kuuriyada Waqooyi ay soo direen fariin mahadnaq ah.

Markabka dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa indhawaalaha ku sugnaa Gacanka Cadmeed si uu maraakiibta ganacsiga ee dalkiisa uga ilaaliyo burcad-badeedda Soomaalida ah.

Shilkan ayaa tusaale u ah iskaashiga ama xiriirka naadirka ah ee dhex mara labada Kuuriya, kuwaasoo xaalad dagaal isaga jira tan iyo intii uu dhamaaday Dagaalkii Kuuriya 56 sano ka hor.

Dhinaca kalena, saraakiil Iraniyiin ah ayaa sheegay in markab dagaal oo ay leedahay Raashiya uu badbaadiyay siddeed qof oo u dhashay Iran, kuwaas oo ay burcad-badeeddu haysteen muddo saddex bilood ah. 


E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA