VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

03 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Burcad-Badeedda oo Soo Rogaal-celiyay


03-May-2009

Burcad-badeedda Soomaalida
Burcad-badeedda Soomaalida
Burcad-Badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab xamuulka Qaada oo laga leeyahay Qaarada Yurub, afduubkaasi oo ka dhacay biyaha badweynta Hindiya.

Andrew Mwangura oo ka tirsan Wakaalad taageerta Howlaha Maraakiibta oo fadhigeedu yahay Bariga Afrika ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo The Ariana la qabsaday habeenkii Sabtidu soo galaysay oo ku sii jeeday Bariga Dhexe isagoo markaasi ka yimid Wadanka Brazil. Mwangura wuxuu sheegay in markabkan oo laga leeyahay Greek uu maamule ka yahay Nin British ah, dhamaan shaqaalihii markabkan oo gaaraya 24 oo u dhashay Ukraine ayaa la rumaysan yahay inay bad-qabaan.

Burcad-badeedda ayaa sidoo kale sheegtay inay maalinti sabtida ahayd qabsadeen markab kale oo siday baabuur.

Jimcihii, Markab Dagaal oo Portagues-ku leeyahay ayaa ku guuleystay inuu burcad-badeed ka joojiyo weerar ay ku qaadi lahaayeen markab Saliida Qaada MV Kition oo Calanka Bahamas sita. iskudayga weerarkaasi ayaa ka dhacay Gacanka Cadmeed.

Kadib markii uu Markabka dagaalka Bortaqiisku uu u dabagalay burcad-badeeddaasi oo u baxsaday markab weyn oo talis u ah, ayaa Afhayeen u hadlay NATO wuxuu sheegay in ciidamada badda ee Bortaqiisku ay heleen qalab waxyaabaha Qarxa nooca loo yaqaan P4A oo saarnaa markabka taliska u ah burcad-badeedda. Afhayeenku wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee burcad-badeedda lagu qabto qalabyada Qarxa noocyadooda aad ka u sareeya.

Ciidamada Badda Bortaqiiska ayaa si kooban u xiray 19 ruux oo laga shakisnaa oo markabkaasi saarnaa, balse waxyar kadib sii daayay kadib markii ay la tashadeen mas'uuliyiintooda.

ciidamada Badda ee NATO oo uu Mareykanku ka mid yahay iyo wadamo kale oo awood leh oo iyagu gaafwareega biyaha Soomaaliya ayaan burcad-badeedda ka joojin qabsashada ay halkaasi ku qabsanayaan maraakiibta, halkaasi oo xukuumada Tababarta yar aysan awood u lahayn inay ilaaliso xeebaha wadankaasi.

Xafiiska caalamiga ee Howlaha Maraakiibta ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay sadexdii bilood ee sanadkan ugu horeeyey ay qaadeen 61


E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA