VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

05 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo Mar Kale Qubuuro Burburiyay


05-May-2009

Maleeshiyada Islaamiyiinta
Maleeshiyada Islaamiyiinta
Dhowr iyo toban Qabri oo ku yaalay deegaanka Kamsuuma ayaa maamulka islaamiga ah ee Jubbadda Hoose ay maanta oo Talaada ah burburiyeen, waxaanay  ku tilmaameen in ay ahaayeen Qubuuro la caabudo oo si diinta ka baxsan loo siyaarto.

Sheekh Saacid Cabdulaahi oo ah madaxa u qaabilsan maamulka islaamiga ah arrimaha Qubuuro Burburinta ayaa VOA u sheegay in qubuurahan uu ku aasnaa sida uu sheegay nin uu ku tilmaamay inaanu Saaladda Tukan oo ay dadku Caabudaan, ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Nuur Yarow iyo qaar ka mid ah Muriidiintiisa .

Qubuurahan la burburiyay ayaa halkaasi ka dhisnaa muddo Qarni ku dhow, waxaana uu maamulka Islaamiga ah ku eedeeyay dadka qubuurahaasi siyaarta in ay caabudaan oo ay u gugurtaan iyaga oo waydiista in muraadkooda loo sahlo.

Waa markii sadexaad ee maamulka islaamiga ah ee Jubbada Hoose uu burburiyo qubuuru ku yaalla gobolkaasi.

Faahfaahinta Warkani ka dhegayso midagta sare ee boggan


Download Warbixintii Qubuuraha Kismaayo
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Warbixintii Qubuuraha Kismaayo
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA