VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

07 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
LAANTA AF-SOOMAALIGA EE VOICE OF AMERICA

Wararka aad ku kalsoon tahay

Si ay dhageystayaasheeda uga haqab-tirto waxa ka socda Soomaaliya, VOA waxa ay magaalooyin badan ka abuurtey wariyaal xirfad u leh in ay si cadaaladi ku jirto uga soo warramaan xaqiiqda iyo runta ka jirta goobaha ay joogaan.

VOA waxa ka go’an in ay dhageystayaasheeda siiso warar isku dheelitiran oon dhanna raacsaneyn. Fadlan wixii faallo ah ku soo dir e-mailka: Somali@voanews.com



Saacadaha aad barnaamijyada Laanta Af-Soomaaliga dhagaysan karto:

4:00 Galabnimo ee Geeska Afrika-Mowjadaha gaagaaban ee 13 iyo 15 Mitirband.
7:00 Fiidnimo ee Geeska Afrika -Mowjadaha gaagaaban ee 19 iyo 22 Mitirband.
8:00 Fiidnimo ee Geeska Afrika-Mowjadaha gaagaaban ee 19 iyo 22 Mitirband.
8:00 Fiidnimo magaalada Muqdisho iyo kuwa kale oo ku teedsan Koonfurta Soomaaliya, VOA ka dhagaysoFM-ta Capital Voice ee 88.8 iyo Idaacadda Horn Afrik.

Goballada Puntland-na, VOA ka dhageyso Raadiyaha SBC – FM 89.9 iyo Daljir – FM 88.8.

Magaalada Nairobi waxa aad VOA ka dhageysan kartaan idaacadda Frontier FM 88.7.

Sidoo kale, qaaradaha adduunka oo dhan, markii laga reebo Amerika, waxa aad 4:00 galabnimo iyo 8:00 fiidnimo wakhtiga Geeska Afrika aad naga maqli kartaan Satellite-ka Horn Afrik.

Intaas oo hab haddii aad midna ka haleeli waydo, Laanta Af Soomaaliga ee VOA waxa aad goor walba iyo goob walba oo aad joogto ka dhagaysan kartaa barta aan ku leenahay internetka ee:

www.SomaliVOA.com

Mawjadaha:

1600-1700 UTC/7:00pm-800pm EAT: 13580 Khz, 15620 Khz, 1431 Khz
1700-1800 UTC/8:00pm-900pm EAT: 13580 Khz, 15620 Khz

Ha moogaan barnaamijyadeenna kale ee ay ka midka yihiin:



Isniin -Axad 1600-1700, 1700-1800 UTC

Day Program


Isniin-Jimce: Barnaamijka Doodda Gaaban. Waa barnaamijkayagii ay ku caan baxday laanta Af-Soomaaliga ee VOA.


Isniinta iyo Arbacada: Qurba Joogta iyo Ciyaaraha.


Khamiista: Barnaamijkayagii Weydii Dhakhtarka.


Jimcaha: Wargaysyada Caalamka iyo Soomaaliya, iyo barnaamijka Gorfeynta Wariyayaasha.


Sabtida: Heesaha Iyo Salaaamaha, Cawayska Washington iyo Martida Makrafoonka.


Axadda: Faaqidaadda Todobaaka, Dhallinyarada iyo Wicitaanka Dhagaystayaasha.