Skip Navigation.

Raadinta Macluumaadka kasoo horjeeda Argagixisada Caalamiga ah

Su’aalaha Badanaa La Is Weydiiyo


Macluumada maka bixin kartaa Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda (RFJ) ?

Waa sidee waxtarka uu leeyahay RFJ?

Sideed u xayaysiisa abaalmarinada la bixiyo?

Waa maxay macluumaadka aad sheegtaan ee ku saabsan abaalmarinada la bixiyo?

Miyaad faahfaahin ka bixin kartaa abaalmarin gaar ah ee la bixiyo ?

Maxaan ku xaqiijin karnaa in aad bixiseen abaalmarinada haddii aadan guud ahaan wax faahfaahin ah ka bixinin?

Maxay qaadaneysaa in abaalmarin la muteysto? Waa maxay noocyada macluumada-ka adigu Raadinaysid?

Maxaa dhacaya haddii uu qof xog-ogaal ah uu naftiisa/teeda halis galiyo macluumadka ku saabsan argagixisada kaddibna ogaado in noloshiisa/teeda uu/ay qatar ku jirto? RFJ ma sugi kartaa amniga qofkaasi?

Sidee shakhsiyaadka lacagta loo siiyaa?

Sidee loo go'aamiyaa abaalmarinta la bixiyo?

Miyaad faahfaahin ka bixin kartaan Miisaaniyadda Caddaaladda?

Marka abaalmarin la soo jeediyo, soo ma keenayso in la dhiirigeliyo dad lacag doon ah?

Has RFJ ever taken someone off the Rewards for Justice list? If so, who and why?

Haddii aan doonayo in aan warbixin soo gudbiyo, cidma ayaan la xiriiraa?

Waxaan doonayaa in an codsado rukhsad aan ku isticmaalo waxyaabaha (sawirrada) ku yaal shabakaddiina internetka si aan ugu adeegsado khudbaddayda ama qoraalkayga. ...

Macluumada maka bixin kartaa Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda (RFJ) ?

RFJ, Barnaamijka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee La Dagaallanka Argagixisada, waxaa lagu aasaasay Sharciga 1984 ee waxaa lagu aasaasay Sharciga 1984 ee Lagula Dagaallamayo Argagixisada Caalamka, Sharci Qaran 98-533 (waxaa lagu sharciyeey 22 U.S.C. § 2708). Waxaa maamula Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Xafiiskeeda Amniga Diblumaasiyiinta, Hadafka RFJ waa in maxkamad caddaalad ku dhisan la soo taago argagixisada caalamka iyo in laga hortago falalka argagixisada caalamka ee lagu baabi’inayo dadka iyo hantida Mareykanka ee caalamka ku sugan. Barnaamijkan, Xoghayaha Mareykanka wuxuu oggolaan karaa in abaalmarin loo bixiyo warbixinta keenta in la soo xiro ama in xukun lagu qaado qof kasta oo ka qayb qaata qorshaha, ficilka, ama ficillada lagu suuragelinayo falalka argagixisada caalamka ee loogu talagalay dadka ama hantida Mareykanka, taasoo keenta in laga hortago in ay falalku dhacaanba, islamarkaana suuragelisa in la ogaado goobta uu joogo hoggaamiyaha argagixisada ee ugu muhiimsan, ama qalaaqal geliso gaarsiiso nidaamka lagu maalgeliyo argagixisada.

RFJ waxay shabakaddooda internetka ku qoraan abaalmarinada haatan la soo jeediyay in la bixin doono: www.rewardsforjustice.net. Abaalmarinada ay badanaa bixiyaan RFJ waxay gaartaa illaa $5 milyan. Hase ahaatee, abaalmarinada la soo jeediyo in la bixin doono waxay u dhexeysaa $1 milyan illaa $25 milyan. Waxaa intaasi dheer, in RFJ ay abaalmarin ku bixin karaan kiisas aan hore abaalmarin loo bixin jirin, waa marka ay xaaladdu ku habboon tahay.

Tan iyo markii la aasaasay, waxay RFJ bixiyeen in ka badan $100 milyan iyagoo siiyay in ka badan 60 qof kuwaasoo laga helay warbixin looga hortagay in ay dhacaan falalka argagixisada caalamka ama ka caawiyey in maxkamad la soo taago kuwii ku lug lahaa falal hore.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Waa sidee waxtarka uu leeyahay RFJ?

Barnaamijka RFJ, waxay dadka xog-ogaalka ah u soo gudbiyeen warbixin ka caawisay ka hortagga ama in si wanaagsan lagu xalliyo falalka ku lug leh argagixisada caalamka ee lagu waxyeelayo danaha Mareykanka iyo in maxkamad caddaalad ku dhisan la soo taago qaar ka mid ah argagixisada caalamka. Dadaalka noocaani ah waxaa ku badbaaday nolosha tiro aan xisaab lahayn ee dad aan dambi lahayn.

Dalka Ciraaq gudihiisa, tusaale ahaan, 18 maalmood kaddib markii lagu dhawaaqay abaalmarinta la bixinayo ee ku saabsan Uday iyo Qusay Hussein, qof xog-ogaal ah ayaa soo gudbiyey warbixin ku saabsan halka ay joogeen. Arrin kale oo aad loo iclaamiyey ayaa ahayd qabashada Ramzi Yousef, oo ahaa mid ka mid ah dadkii ku lug lahaa bamkii Xarunta Ganacsiga Dunida, kaasoo la helay sanadkii 1995-kii kaddib markii la helay warbixin uu soo gudbiyey qof xog-ogaal ah oo ka jawaabayey abaalmarinta RFJ ee la soo jeediyay.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Sideed u xayaysiisa abaalmarinada la bixiyo?

Waxaa intaasi dheer, in shabakadda internetka ee RFJ, in aannu isticmaalno sawirro waaweyn, buugag ay sawirro ku yaalliin, xayeysiis lacag lagu bixiyo oo raadiyaha laga sii daayo iyo wargeysyada, Internetka, iyo meel kastoo kale ee ku habboon si maxkamad caddaalad ku dhisan loo soo taago kuwii ka mas'uulka ahaa weerarrada argagixiska ee Mareykanka loogu talagalay.

Waa maxay macluumaadka aad sheegtaan ee ku saabsan abaalmarinada la bixiyo?

Waxaa muhiim ah oo barnaamijkan ka tirsan in aannu xaqiijinno jawaabaha laga helo ololaha abaalmarinta in ay noqdaan kuwo sir ah oo aad loo xafido. Waxaa intaasi ka sii muhiimsan, in aanan bixin magacyada dadka la siiyo lacagta abaalmarinta, iyo in caadi ahaan aan la shaacin in abaalmarin la bixiyey. Kiisaska culus qaarkooda, waxaannu sheegi doonaa in la bixiyey abaalmarin, balse lama sheegi doono warbixinta la helay.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Miyaad faahfaahin ka bixin kartaa abaalmarin gaar ah ee la bixiyo ?

Lacagta ugu badan ee illaa iyo haatan la bixiyey waxay ahayd $30 milyan taasoo la siiyay qof laga helay warbixin lagu soo qabtay Uday iyo Qusay Hussein.

Waxaa dalka Filibiin lagu qabtay afar xafladood oo ku saabsanaa abaalmarinta ay RFJ bixisay . Middii ugu dhoweyd waxaa la qaybtay 7-dii Juun, 2007, iyadoo ay abaalmarinta guud ee xafladda lagu bixiyey ahayd $10 milyan. Abaalmarinta la bixiyo waa lacagta RFJ ee ugu badan ee lagu bixiyo dalka Filibiin tan iyo markii la billaabay barnaamijka.

Maxaan ku xaqiijin karnaa in aad bixiseen abaalmarinada haddii aadan guud ahaan wax faahfaahin ah ka bixinin?

Sidii horeyba loo sheegay, RFJ waxay marar aan badneyn ay shaaciyaan lacagta abaalmarinta ee loo bixiyey kiisaska culus. Sidoo kale waxaannu warbixin qarsoodi ah u gudbinaa Golaha umadda marka lacag la bixiyo kaddib.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Maxay qaadaneysaa in abaalmarin la muteysto? Waa maxay noocyada macluumada-ka adigu Raadinaysid?

Qof kasta oo soo gudbiya warbixin waxqabad leh oo inaga caawini karta ka hortagga ama in si wanaagsan loo xalliyo falalka ku saabsan argagixisada caalamka ee lid ku ah Mareykanka oo laga helo meel kasta oo caalamka ka tirsan ayaa suuragal ah in u xaq ku yeesho in la abaalmariyo.

Haddii, tusaale ahaan, la xiro ama la xukumo ama la soo qabto qof argagixiso ah oo ku lug leh qorshaynta ama fulinta weerarka lid ku ah dadka Mareykanka iyo/ama hantida kaddib marka la helo warbixin uu qof xog-ogaal ah soo gudbiyey, waxaa suuragal ah in qofkaasi xog-ogaalka ah uu abaalmarin xag ugu yeesho.

Waxaa intaasi dheer, qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan aqoonsashada ama goobta uu ku sugan yahay hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan ururrada argagixisada caalamka ayaa suuragal ah in uu abaalmarin xaq ugu yeeso. Sidoo kale waxaa suuragal ah in abaalmarin loo bixiyo warbixinta ku saabsan shakhsiyaadka ama ururrada ka mukhaadaraadka si ay u maalgeliyaan argagixisada caalamka ama lacag uruurinta loogu talagalay hawlaha ama in lagu taageero urur argagixiso.

Hase ahaatee, sida ku xusan sharciga lagu maamulo barnaamijka, shaqaalaha u shaqeeya Mareykanka, gobolka, deegaanka, gudaha, iyo dawladaha qalaad caadi ahaan ma ay u qalmaan abaalmarinta haddii ay macluumaadka soo gudbiyaan iyagoo hawlahooda caadiga ah gudanaya.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Maxaa dhacaya haddii uu qof xog-ogaal ah uu naftiisa/teeda halis galiyo macluumadka ku saabsan argagixisada kaddibna ogaado in noloshiisa/teeda uu/ay qatar ku jirto? RFJ ma sugi kartaa amniga qofkaasi?

Sida kor looga hadlay, in la xajiyo arrimaha qarsoodiga ah ayaa ah qayb muhiim ah oo barnaamijka RFJ ka tirsan. Waxay RFJ si aad ah u ilaaliyaan in la aqoonsado dadka warbixinta soo gudbiya kaddib marka abaalmarinta la soo jeediyo ama marka abaalmarinta la siiyo. Waxaa intaasi dheer, in meel kale loo rari karo qofka warbixinta soo gudbiyey iyo qoyskiisa, balse arrimahaan waxaa loo tixgeliyaa hadba sida uu kiisku yahay.

Sidee shakhsiyaadka lacagta loo siiyaa?

Abaalmarin kasta oo qof loo magacaabo waxay ku saleysan tahay hadba sida uu kiisku yahay. Nidaamka loo bixiyo lacagta abaalmarinta waa sida soo socota:

Hay'ad ka tirsan hay'adaha wax baara ee Mareykanka, sida Wasaaradda Difaaca ama FBI-da, ama safaaradda Mareykanka ee Dibedda ku taal, ayeey tahay in ay marka hore qof u soo magacaabaan abaalmarinta. Guddiga hay'adaha ayaa si taxaddar leh u qiimeynaya warbixinta la soo sheegay. Haddii Guddiga Abaalmarinta ee Hay'adaha ay qabaan in uu shakhsi u qalmo abaalmarinta, waxay Xoghayaha Arrimaha Dibedda kula talinayaan in qofkaasi abaalmarin la siiyo.

Talada ay bixiyaan Guddiga, hasa-yeeshee, ma aha mid shuruud ah. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ayaa ayaa awood buuxda u leh kan uu oggolaado ama diidi karo in abaalmarinta la bixiyo, wuxuuna wax ka beddeli karaa tirada lacagta abaalmarinta, sida sharciga waafaqsan.

Haddii uu jiro amar dembiyo oo dowladda dhexe ah, wuxuu Xoghayaha iskaashi ka codsanayaa Xeer Ilaaliyaha inta aannu abaalmarinta bixin.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Sidee loo go'aamiyaa abaalmarinta la bixiyo?

Tirada lacagta abaalmarinta waxay ku xiran tahay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin, balse ku koobneyn, khatarta ay leeyihiin argagixisada la tilmaamay, heerka uu gaarsiisan yahay khatarta ama dhaawayca loo geysankaro qof ama hanti Mareykanka uu leeyahay, qiimaha uu ku fadhiyo warbixinta la keenay, khatarta ka soo gaari karta qofka xog ogaalka ah iyo qoyskiisa/eeda, iyo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga uu xog ogaalka ka geysan karo baaritaanka iyo maxkamadda.

Has RFJ ever taken someone off the Rewards for Justice list? If so, who and why?

Yes, the Rewards for Justice program has removed various suspects from its list over the years, including Baitullah Mehsud, Bali bomber Dulmatin, Usama bin Ladin, Atiyah Abd al-Rahman, and Fazul Abdullah Mohammed. Suspects may be removed from the RFJ list for a variety of reasons, including when they are taken into custody by law enforcement or security forces, or are confirmed dead by an official authoritative source.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Miyaad faahfaahin ka bixin kartaan Miisaaniyadda Caddaaladda?

Miisaaniyadda Abaalmarinta Caddaaladda waa mid aysan bixin dawladda, balse ay bixiyeen koox aan dawli ahayn 501 (c)(3) oo ah hay'ad deeq bixisa taasoo xiriirka kaliya ay la leedahay barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ah sidii lagu heli lahaa deeq loo isticmaalo sidii lagu ogaan lahaa oo lagu soo qaban lahaa argagixisada ka dhex shaqeysa dalka Mareykanka iyo caalamka. Miisaaniyadda Caddaaladda waxaa aasaasay oo maamula koox gaar ah oo muwaadiniin Mareykan ah. Kooxda ayaa la soo xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda muddo yar kaddib markii ay dhaceen weerarradii 11-kii Sebtembar iyagoo codsaday oggolaasho lacag qaaraan ah looga soo uruurinayo dadweynaha si loo taageero barnaamijka RFJ. Dib ayaannu u eegnay waxyaabihii la soo jeediyay waxaanna taageeraynaa dadaalka ku aaddan Miisaaniyadda Abaalmarinta Caddaaladda La Gaaray. Wixii su'aal dheeraad ah waa in xafiiska Miisaaniyadda loogu hagaajiyo www.rewardsfund.org.

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Marka abaalmarin la soo jeediyo, soo ma keenayso in la dhiirigeliyo dad lacag doon ah?

Marna kuma aan dhiirigelinayno kooxaha lacag doonka ah iyo shakhsiyaadka ka tirsan kooxaha aan dawliga ahayn in ay isku dayaan in ay soo qabtaan argagixisada; RFJ waxay abaalmarin ku bixiyaan warbixinada u suuragelinaya maamulka dawladda si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin iyo soo qabashada shakhsiyaadkaasi.

Haddii aan doonayo in aan warbixin soo gudbiyo, cidma ayaan la xiriiraa?

Dadka xog ogaalka ah ee macluumada haya waa inay la xiriiraan Xafiiska Amniga Gobolka ee ugu dhow Safaaradda ama qunsuliyadda Mareykanka, FBI-da, ama in ay adeegsadaan cinwaanka soo socda:

Cinwaanka waraaqaha lagu diro: RFJ, Washington D.C. 20522-0303, USA Khadka bilaashka ah: 1-800-US-REWARDS Emailka: RFJ@state.gov

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad

Waxaan doonayaa in an codsado rukhsad aan ku isticmaalo waxyaabaha (sawirrada) ku yaal shabakaddiina internetka si aan ugu adeegsado khudbaddayda ama qoraalkayga.

Aan ka ahayn marka uu yaal sharciga mamnuucaya, macluumaadka ku yaal shabakadda internetka waa mid dadweynaha loogu talagalay iyadoo dib loo sameyn karo, daabici karo ama isticmaali karo iyadoo aan fasax laga haysan RFJ. Waxaannu codsanaynaa in la caddeeyo in warbixinta laga soo xigtay RFJ sidoo kalena in la tilmaamo ciddii ka dambeysay sawirrada ama qoraaga warbixinta ama RFJ, ama sidii habboon.

Haddii sawirka, garaafka, ama waxyaabaha uu ku yaal sharciga lahaanshada, waa in fasax laga helo milkiilaha si koobi looga sameysto. Waxaa intaasi dheer, in aad la socoto in xeerka dembiyada, 18 U.S.C. 713, uu qaybtaasi ku mamnuucayo in mararka qaar la isticmaalo Shaabadda Weyn ee Mareykanka. Sidaa daraadeed waxaan ku talinaynaa in aad latashato qareen kahor int aad isticmaalin shaabadda weyn ee Marekanka

halka sare u noqo | Soo Gudbi Macluumaad