Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah

Waxyaabo Inagu Saabsan

Kani waa qorshe hawleedka arrimaha gaarka ah ee barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda La Gaaray. Cinwaanka ku yaala bogga hore ee shabakaddeena Internetka waa http://www.rewardsforjustice.net

Waxaannu kugu casumaynaa in aad inoo soo sheegto haddii aad wax su'aal ah ka qabto qorshe hawleedkan. Cinwaanada soo socda ayaad wax inoogu soo diri kartaa:

Rewards for Justice Washington, DC 20522-0303 United States Waxaad email inoogu soo diri kartaa rfj@state.gov, ama waxaad inaga soo wici kartaa 1-800-877-3927.

Sharciga Ogeysiiska Qarsoodiga Arrimaha Gaarka ah

Hawlaha maamulka shabakadda internetka dartood, waxaa la uruuriyaa macluumaad loo adeegsado ujeeddo tirakoob. Bogga internetka ee Abaalmarinta Caddaaladda la gaaray waa barnaamij loogu talagalay in lagu sameeyo tirakoob kooban oo ay ujeeddadoodu tahay in la qiimeeyo macluumaadka muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn ama si loo ogaado waxqabadka nidaamka ama meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan. Waxyaabaha soo socda ayaa ah macluumaadka la helay ee ku saabsan booqashadaada shabakadda internetka. magaca shabakadda internetka aad ka gasho bogga Abaalmarinta Caddaaladda la Gaaray (tusaale ahaan, "aol.com" haddii aad ka soo galayso America Online) iyo taariikhda iyo saacadda aad gasho shabakadda internetka. Haddii aad doonayso in aad macluumaadka gaarka ah inoogu soo gudbiso xag email ah, waxaannu ka soo jawaabi doonaa emailkaaga oo kaliya.

Ujeeddo ay ugu wacan tahay amniga iyo in dadka isticmaala ay adeegga wada heli karaan, barnaamijka wuxuu Abaalmarinta Caddaaladda la Gaaray adeegsadaa barnaamijyada soofweerka si loo kormeero dhaqdhaqaaqa nidaamka socdaalka loona ogaado wixii doonaya in fasax la'aan ay macluumaad cusub geliyaan ama wax ka beddelaan macluumaadka halkaasi ku yaal ama ay dhibaato u geystaan. Waxaa mamnuuc ah in la isku dayo fasax la'aan in macluumaad halkaasi la geliyo ama wax laga beddelo adeegga waxaana suuragal ah in la marsiiyo ciqaabta u dhigan Sharciga Been-abuurka iyo Ku Xadgudubka Koombiyuutarka ee 1986. Waxaa suuragal ah in macluumaadka ay baaritaan la oggolaaday u adeegsadaan ciidanka nabadgelyada. Wixii ka baxsan sababaha kor ku yaal, ma jiro isku day kale ee la doonayo in lagu ogaado shakhasiyaadka isticmaala shabakadda ama cadooyinka ay leeyihiin.

Waxaa mamnuuc ah isku day kasta oo jebinaya Sharciga Been-abuurka iyo Ku Xadgudubka Koombiyuutarka Aan la Fasixin ee macluumaad cusub lagu qoraayo iyo/ama wax ka beddelidda macluumaadka ku yaal shabakadaha internetka waxaana dhaceysa in maxkamad loo gudbiyo sida waafaqsan Sharciga Been-abuurka iyo Ku Xadgudubka Koombiyuutarka ee 1986 iyo Qaanuunka 18 U.S.C. Qoddobka. 1001 iyo 1030.

Lifaaqa Shabakadaha Internetka ee ka Baxsan

Lifaaqyada shabakadaha internetka ee ka baxsan Dawladda Dhexe ee Mareykanka ama ganacsiga, shirkadda, ama magacyada shirkadaha ku yaal shabakadda internetka Abaalmarinta Caddaaladda La Gaaray waxaa loogu talagalay dadka akhrista. isticmaalka noocasi ah macnaheedu ma aha in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ama barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ay fasaxayaan ama taageerayaan shabakadda internetka, alaabta, ama adeegga gaarka ah.

Soo Uruurinta Macluumaadka

Waxaannu uruurinaa macluumaadka soo socda:

Waxaa macluumaadkan loo adeegsan doonaa ujeeddooyinka soo socda:

Waxaa macluumaadkan isticmaali doonaan barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda la Gaaray iyo qaybaha ka tirsan.

Sharraxaadda soo socota ayaa loo bixiyay sababta macluumaadka loo uruuriyo:

Shabakaddayada internetka waxay uruurisaa diiwaanka gelitaanka uu macluumaadkan ku yaal.

Kaydka Macluumaadka Macaamiisha

Kaydka macluumaadka macaamiisha (Cookies) waa tiknoolojiyad aad u adeegsan karto in aad shabakadda internetka ka hesho macluumaad gaar ah. kaydka macluumaadka macaamiisha waa nooc ka mid ah noocyada macluumaadka shabakadda internetka u soo gudbiso barnaamijka internetka lagu galo, suuragal ahna in kombiyuutarkaada lagu kaydiyo. Waxaad sameyn kartaa qaab barnaamijka internetka lagu galo uu ku ogeysiiyo haddii aad hesho kaydka macluumaadka macaamiisha (cookies), waxaadna helaysaa fursad aad ku oggolaanayso haddii aad aqbalayso.

Innagu ma adeegsano kaydka macluumaadka macaamiisha (HTTP cookies).


Dulmarka Qorshe Hawleedka-Ishaysta

Nidaamka is-haysta waa nooc ka mid ah nidaamka P3P kaasoo soo koobaya waxa uu nidaamka ka odhanayo kaydka macluumaadka macaamiisha. Maadaama aysan arrintaan wax ka sheegin isticmaalka kaydka macluumaadka macaamiisha, ma jiro qorshe hawleed la soo koobay ee nidaamkan ku saabsan.

Wuxuu nidaamku sheegaye isticmaalka macluumaadka macaamiisha "HTTP Cookies" waxay ku taal qayb kasta oo qorshe hawleedka ka tirsan. Qaybtan macluumaadka ka tirsan waxaa laga helayaa "Macluumaad joogta ah"


Qiimeynta Qorshe Hawleedka

Microsoft Internet Explorer 6 ayaa qorshe hawleedka qiimeyn ku sameyn doona markasta oo lala isticmaalo kaydka macluumaadka macaamiisha. Sida uu IE wax u qaban doono waxay ku xiran tahay heerka gaar ahaanta uu qofka isticmaalaya ka xushay barnaamijka internetka lagu galo (Hoose, Dhexdhexaad, Dhexdhexaad Sarreeya, ama Sarreeya; sida caadiga ah waa Dhexdhexaadka) Waxaa intaasi raacsan, IE wuxuu baarayaa haddii nidaamka kaydka macluumaadka macaamiisha loo tixgeliyo mid fiican ama mid aan fiicnayn, haddii kaydka macluumaadka macaamiisha uu yahay mid qayb ah ama mid joogta ah, iyo haddii kaydka macluumaadka macaamiisha loo isticmaalo qaab ah kooxda hore ama kooxda seddexaad. Qaybtaan waxay isku dayeysaa in ay qiimeeyaan nidaamka kooban ee qorshe hawleedka uu lid ku yahay habka ay Microsoft ugu talagashay IE6.

Fiiro Gaar ah: qiimeyntan haatan waa mid tijaabo ah waana in aan loo tixgelinin tijaabo lagu beddelayo barnaamij Internetka lagu galo.

Nidaamka fiican: nidaamkan is-haysta waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay mid fiican sida lagu qeexay qaanuunada Internet Explorer 6. IE6 wuxuu aqbali doonaa kaydka macluumaadka macaamiisha ee waafaqsan heerarka kala duwan ee nidaamka Sarreeya, Dhexdhexaad Sarreeya, Dhexdhexaad, Hoose, iyo in uu aqbalo dhammaan Qaababka Kaydka Macluumaadka Macaamiisha.