|
Rayaale oo Diiday inuu Saxiixo Go'aamadda Guddiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada La-baxday Somaliland Daahir Rayaale ayaa ka cudur-daartay inuu saxiixo go'aamadii ay soo saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta Qilaafaadka ee ay ka soo saareen dhamaystirka qilaafaadkii ka dhashay doorashooyinka Somaaliland.
|
|
|
Markab Cusub oo La Afduubay
Burcadbadeed Soomaali ah ayaa xeebaha Gacanka Cadmeed ku afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka , markabkan oo nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Victoria ayaa la qabtay xilli dambe ooTalaadadii xalay ahayd.
|
|
|
|
|
Somaliya oo Eritrea ku Dacweynaysa Qaramada Midoobay
Dowladda Soomaaliya ayaa ka fikiraysa sidii ay qoraal dacwad ah oo ka dhan ah Eritrea ugu gudbin lahaayeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku eedeeyay Eritrea inay mijixaabinayso xukuumadda, inkastoo eedayntaasi ay Asmara iska fogeysay.
|
|
|
Burcad-badeedda oo Xiriirisay Labada Kuuriya
Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa badbaadiyay markab laga leeyahay Kuuriyada Qaqooyi, kadib markii ay burcad-badeed ku weerareen biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
|
|
|
Maamulka Baladwayne oo Dhaliilay Shariif iyo Aways
Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne ee gobolka Hiiraan ayaa dhalleeceeyay qorshaha madaxwayne Shariif ee ku aadan joogitaanka ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.
|
|
|
Wicitaanka Dhagaystayaasha iyo Maamulka Hiiraan
Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha, waxa soo diyaariyay Abdulaziz H Osman, waxaana maanta su’aalaha dhagaystayaasha ka jawaabaya guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah gobolka Hiiraan Sheekh Cabdraxmaan Ibraahim.
|
|
|
|
Xukuumadda Soomaaliya oo Eedaysay Tan Eretria
Dawladda Fedraalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay dawladda Eretria in ay hub ku soo gurayso gudaha Soomaaliya. Ma’uul u hadlay xukuumadda ayaa Eretria ku tilmaamay dawladda kaliya ee ka soo horjeedda in Soomaaliya cagaceeda isku taagto.
|
|
|
Md. Shariif: "Dhibaato ayay Burcad-Badeeddu ku Hayaan Dalka"
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in burcad-badeedda ka howlgasha biyaha Soomaaliya ay dhibaato fara badan ku hayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegaya inuu socdo dadaal lagu dhisayo ciidamo badeed oo ka hortaga burcad-badeedda.
|
|
|
Puntland oo Dhaliishay Dowlada Soomaaliya
War Saxaafadeed ay soo saareen dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay dhaliil ugu soo jeediyeen xukuumadda Federaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla.
|
|
|
|
Maalinta Boqolaad ee Obama iyo Aqalka Cad
Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaca ah ku xiraya maalintiisii boqolaad ee Aqalka Cad, munaasabado aad u waawayn, kuwaasoo looga golleeyahay in lagu muujiyo guulihii uu gaaray maamulkiisa.
|
|
|
Raashiya oo Qabatay 29 Burcad-badeed
Wasiirka difaaca Raashiya ayaa sheegay in Moscow wali ka fakarayso wixii ay ka yeeli lahayd doon ay ka buuxaan burcad-badeed la tuhunsanyahay kuwaasoo meel dibadda ka ah xeebaha Soomaaliya uu ka soo qabtay markab dagaal oo ay leedahay Raashiya.
|
|
|
Sarkaal Sare oo Lagu Dilay Gaalkacyo
Taliyihii ciidanka nabad-sugidda ee magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka Puntland ayaa maanta la dilay kadib qarax lala beegsaday gaarigiisii. Ninkii qaraxa gaystay ayaa wax gacanta ku dhigay dad ka agdhawaa halka shilku ka dhacay.
|
|
|
Shaqaaalihii MSF oo Waan-waan Lagu Siidaayay
Waxa maanta la sii daayay shaqaalihii shisheeye ee Hay’adda MSF ee Soomaaliya lagu afduubay, waxaana VOAda u suurtagashay in ay waraysi la yeelato mid ka mid ah shaqalahaasi oo ka xog warramay xaaladooda.
|
|
|
Madaxwayne Shariif oo Khartuum Gaaray
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda dalka Sudan ee Khartoum. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid ay labada dal uga wada hadli doonaan arimaha ay wadaagaan.
|
|
|
Burcad-badeed La Laayay iyo Markab La Soo Furtay
Millatariga Yemen ayaa sheegay in ciidamadoodu xoog ku soo furteen markab nooca saliidda qaada iyo shaqaalihiisii, iyaga oo dilay saddex ka mida afduubayaashii. Axaddii shalayna, waxa sidoo kale ay ciidamada ammaanku soo furteen saddex markab oo kale.
|
|
|
Faaqidaadda Todobaadka iyo Shareecadda Islaamka
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaa soo diyaariyay Abdulaziz H. Osman kalkanna waxa lagu falanqeeynayaa tallaabadii ay barlamaanka Dawaladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ku qaateen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
|
|