VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

07 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Somaliland
Rayaale oo Diiday inuu Saxiixo Go'aamadda Guddiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada La-baxday Somaliland Daahir Rayaale ayaa ka cudur-daartay inuu saxiixo go'aamadii ay soo saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta Qilaafaadka ee ay ka soo saareen dhamaystirka qilaafaadkii ka dhashay doorashooyinka Somaaliland.
Burcad-badeedda Soomaalida
Markab Cusub oo La Afduubay
Burcadbadeed Soomaali ah ayaa xeebaha Gacanka Cadmeed ku afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka , markabkan oo nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Victoria ayaa  la qabtay  xilli dambe ooTalaadadii xalay ahayd.
Somalia
Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay In Dulqaadkii Ka Sii Dhamaanyo  Audio Clip Available
Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya aanay u dul qaadan doonin faragalinta uu sheegay in dawladda Eritrea ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Maleeshiyada Islaamiyiinta
Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo Mar Kale Qubuuro Burburiyay  Audio Clip Available
Dhowr  iyo toban Qabri oo ku yaalay deegaanka Kasuuma ayaa maamulka islaamiga ah ee Jubbadda Hoose ay maanta oo Talaada ah burburiyeen, waxaanay  ku tilmaameen in ay ahaayeen Qubuuro la caabudo oo si diinta ka baxsan loo siyaarto.
Somalia
Somaliya oo Eritrea ku Dacweynaysa Qaramada Midoobay
Dowladda Soomaaliya ayaa ka fikiraysa sidii ay qoraal dacwad ah oo ka dhan ah Eritrea ugu gudbin lahaayeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku eedeeyay Eritrea inay mijixaabinayso xukuumadda, inkastoo eedayntaasi ay Asmara iska fogeysay.
Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Burcad-badeedda oo Xiriirisay Labada Kuuriya
Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa badbaadiyay markab laga leeyahay Kuuriyada Qaqooyi, kadib markii ay burcad-badeed ku weerareen biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya.
Magaalad Baladwayne
Maamulka Baladwayne oo Dhaliilay Shariif iyo Aways  Audio Clip Available
Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne ee gobolka Hiiraan ayaa dhalleeceeyay qorshaha madaxwayne Shariif ee ku aadan joogitaanka ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Martida Makrafoonka
Wicitaanka Dhagaystayaasha iyo Maamulka Hiiraan  Audio Clip Available
Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha, waxa soo diyaariyay Abdulaziz H Osman, waxaana maanta su’aalaha dhagaystayaasha ka jawaabaya guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah gobolka Hiiraan Sheekh Cabdraxmaan Ibraahim.
Voice Of America
Faaqidaadda Todobaadka iyo Kala-mudidda Qaddiyadaha  Audio Clip Available
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaa kalkan soo diyaariyay Abdusalam M Jama, waxana summad u ah Dawladda Dhexe iyo Kala Mudnaan Siinta Goolasheeda.
Cumar Xaashi Aadan
Xukuumadda Soomaaliya oo Eedaysay Tan Eretria  Audio Clip Available
Dawladda Fedraalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay dawladda Eretria in ay hub ku soo gurayso gudaha Soomaaliya.  Ma’uul u hadlay xukuumadda ayaa Eretria ku tilmaamay dawladda kaliya ee ka soo horjeedda in Soomaaliya cagaceeda isku taagto.
Madaxwayne Sh. Shariif
Md. Shariif: "Dhibaato ayay Burcad-Badeeddu ku Hayaan Dalka"  Audio Clip Available
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in burcad-badeedda ka howlgasha biyaha Soomaaliya ay dhibaato fara badan ku hayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegaya inuu socdo dadaal lagu dhisayo ciidamo badeed oo ka hortaga burcad-badeedda.
Dowlad-goboleedka Puntland
Puntland oo Dhaliishay Dowlada Soomaaliya  Audio Clip Available
War Saxaafadeed ay soo saareen dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay dhaliil ugu soo jeediyeen xukuumadda Federaalka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Axmadou Wallad Cabdalla.
Maydkii Burcadda
Maydadka Burcad-badeeddii la Dilay oo la Soo Wareejiyay  Audio Clip Available
Ciidamada Maraykanka ee xeebaha Soomaaliya ayaa maanta maamul goboleedka Puntland u dhiibay maydadka 3 nin oo burcadbadeed ah oo lagu dilay hawlgal lagu badbaadiyay Kabtan Maraykan ah oo burcadbadeedaasi ay afduubeen.
Madaxwayne Obama
Maalinta Boqolaad ee Obama iyo Aqalka Cad  Audio Clip Available
Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaca ah ku xiraya maalintiisii boqolaad ee Aqalka Cad, munaasabado aad u waawayn, kuwaasoo looga golleeyahay in lagu muujiyo guulihii uu gaaray maamulkiisa.
Wasiirka Difaaca Raashiya
Raashiya oo Qabatay 29 Burcad-badeed
Wasiirka difaaca Raashiya ayaa sheegay in Moscow wali ka fakarayso wixii ay ka yeeli lahayd doon ay ka buuxaan burcad-badeed la tuhunsanyahay kuwaasoo meel dibadda ka ah xeebaha Soomaaliya uu ka soo qabtay markab dagaal oo ay leedahay Raashiya.
Gaarigii sarkaalka la dilay
Sarkaal Sare oo Lagu Dilay Gaalkacyo  Audio Clip Available
Taliyihii ciidanka nabad-sugidda ee magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka Puntland ayaa maanta la dilay kadib qarax lala beegsaday gaarigiisii.  Ninkii qaraxa gaystay ayaa wax gacanta ku dhigay dad ka agdhawaa halka shilku ka dhacay.
Hay'adda MSF
Shaqaaalihii MSF oo Waan-waan Lagu Siidaayay
Waxa maanta la sii daayay shaqaalihii shisheeye ee Hay’adda MSF ee Soomaaliya lagu afduubay, waxaana VOAda u suurtagashay in ay waraysi la yeelato  mid ka mid ah shaqalahaasi oo ka xog warramay xaaladooda.
Sh. Sharif Sh. Axmed
Madaxwayne Shariif oo Khartuum Gaaray  Audio Clip Available
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.  Booqashadan ayaa lagu sheegay mid ay labada dal uga wada hadli doonaan arimaha ay wadaagaan.
Ilaalada Xeebaha Yaman oo eegaya doon yar oo ay saaran yihiin qaxooti Soomaaliya ka yimi, magaalada dekedda ah ee Cadan
Burcad-badeed La Laayay iyo Markab La Soo Furtay  Audio Clip Available
Millatariga Yemen ayaa sheegay in ciidamadoodu xoog ku soo furteen markab nooca saliidda qaada iyo shaqaalihiisii, iyaga oo dilay saddex ka mida afduubayaashii. Axaddii shalayna, waxa sidoo kale ay ciidamada ammaanku soo furteen saddex markab oo kale.
Voice Of America
Faaqidaadda Todobaadka iyo Shareecadda Islaamka  Audio Clip Available
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaa soo diyaariyay Abdulaziz H. Osman kalkanna waxa lagu falanqeeynayaa tallaabadii ay barlamaanka Dawaladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ku qaateen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.