Hip Hop Nabadda iyo dib-u- Heshiisiinta

DateWednesday, October 17, 2012
Description

Shiine waa fanaan Soomaaliyeed oo ku nool Nairobi ahna assaasayaasha kooxda waayaha cusub (New Era). Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, Shiine waxa uu u haajiray Kinya isaga iyo waalidkiisuba sanadkii 1997 si ay uga fogaadaan dagaalada ka dhacay Soomaaliya. Shiine waxa uu mudo ku maqnaa dibadda isaga oo la wadaagaya heesihiisa ka soo hor jeeda argagixisadda iyo ka hoor imaadka Al-Shabaab.
Fadlan waxa aan nagala soo qayb gashaa madashan Su’aalaha iyo Jawaabaha wadata oo Afka Soomaaliga ah martina uu inoogu yahay Shiine, waxaanad la wadaagtaa fariintiisa oo ah Nabad, Dib-u-Heshiisiin loo dhan yahay. Si aad u ogaatid shaqada uu Shiine hayo iyo muusikiisa waxa aad ka eegi kartaa halkan: http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=1avjxSzCxIw#!

Download