King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Communicable disease facts » Meningococcus facts in Somali

Communicable Diseases and Epidemiology
Cudurka Meningococcal

gray bullet

WAA MAXAY?

gray bullet

CALAAMAADKA

gray bullet

SIDEE BUU KU FAAFAA?

gray bullet

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

gray bullet

KA HORTAGGA


WAA MAXAY?

  • Cudurka meningococcal waa infekshan uu keeno baktiiriyada Neisseria meningitidis (sidoo kale loogu yeedho meningococcus).
  • Cudurka Meningococcal waxaa uu wataa infekshano halis ah ee gaara dheecaanka iyo geesaha ku hareersan maskaxda (meningitis), marriinka dhiigga (bacteremia iyo sepsis), sambabaha (pneumonia), iyo kalagoysyada (arthritis).

CALAAMAADKA

  • Xummad mar ku wada qabata, (caadiyan 102º F amaba ka badan)
  • Qarqaryo
  • Madax xannuun badan
  • Neefsashada oo dhib leh
  • Qoorta iyo dhabarka oo adkaada
  • Xanuun kalagoysyada ah
  • Matag
  • Hurdo aad u badan iyo/ama wareer
  • Miyirka oo la beelo/qalal
  • Firiiric ama goobo midabka baluugga/gaduudka qafiifka ah.
  • Carruurta da’doodu ka yar tahay sanad, goobta jilcan ee foolka (fontanel) kor ayeey u barari kartaa.

SIDEE BUU KU FAAFAA?

  • Baktiiryada waxaa laga helaa sanka iyo dhuunta qofka buka waxaana uu ku faafaa marka laga ag dhawaado calyada ama dheecaannada sanka iyo dhuunta marka la hadlayo, qufacayo, hindhisaayo, dhunkashada, iwm.
  • Dadka caafimaadka qaba ee aan calaamaadka cudurka lagu arkin waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood in ay ku sitaan meningococcus sankooda iyo qoortooda.
  • Infekshanka meningococcal waxaa uu ku faafaa iyadoo laga ag dhawaado (tusaale ahaan, dadka wada deggan) mana uu ku faafo marka qol lagula jiro qof infekshanka qaba.
  • Waa dhif, in lagu kala qaado wada qaybsiga weelasha wax lagu cuno, ookiyaalka, sigaarka, iyo cadayga.
  • Waxaa ay qaadataa 1 illaa 10 cishood laga billaabo xilliga uu qofi qaado baktiiriyada si ay calaamaadka u soo baxaan.

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

  • Dadka qaba cudurka meningococcal caadiyan waxaa ay u baahan yihiin in cusbitaal la geliyo.
  • Infekshanka waxaa lagu ogaadaa iyadoo la baaro dhiigga ama dheecaanka lafdhabarka bukaanka.
  • Dhammaan dadka ka ag dhawaaday qof qaba cudurka meningococcal waa in uu:
1. Takhtarkooda u qoraa daawo antibiyootik ah sida ugu dhaqsiyaha badan si ay uga saaciddo ka hortagga cudurka meningococcal.

2. Iska eeg calaamaadka cudurka meningococcal muddo 10 cishood kaddib markii aad ka ag dhawaatay qof cudurka qaba, xittaa haddii ay antibiyootikada qaateen si ay uga hortagaan infekshanka.

3. Islamarkiiba takhtarkooda ha la xiriiraan haddii ay qabato xummad, madax xanuun ama calaamaadka kale ee warqaddani aan ku soo qeexnay.

KA HORTAGGA

  • Tallaal: Laga billaabo 2005-ta, Tallaalka looga hortagayo cudurka meningococcal waxaa heli kara dadka u dhexeeya 11 iyo 55 sano. Tallaalka waxaa lagula taliyaa qaangaarka carruurta ku dhow (da’da 11-12 sanadood), ardada sanadka hore ee jaamacadda ku noolaa, iyo dadka kale ee halista dheeraadka ugu jira cudurka meningococcal (la xiriir takhtarkaaga ama qaybta caafimaadka dadweynaha ee xaafaddaada si aad macluumaad dheerad ahi u heshid).
  • Tallaalka waxaa sidoo kale isticmaali kara shaqaalaha qaybaha caafimaadka dadweynaha ee deegaanka uu cudurku ku faafay
  • Iska ilaali in aad ka ag dhawaataa dadka qaba infekshannada neefta (ee qufaca oo hindhisana)
  • Ka fogow cunnada, cabitaanka, sigaarka, ama weelasha wax lagu cuno.
  • Gacmaha iska dhaq ka hor iyo kaddib cunnada iyo kaddib marka aad qufacdid ama hindhistid.

U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health): (206) 296 - 4774.

Updated: Monday, August 28, 2006 at 09:39 AM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.