VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

14 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Markab Cusub oo La Afduubay


06-May-2009

Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Ciidamada Badda Koonfur Kuuriya
Burcadbadeed Soomaali ah ayaa xeebaha Gacanka Cadmeed ku afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka, markabkan oo nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo MV Victoria ayaa  la qabtay xilli dambe ooTalaadadii xalay ahayd.

Afhayeen u hadlay guutada shanaad ee ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in markabka lagu qabsaday meel 120 Kilomiter u jirta koonfurta xeebta Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in markabka iyo shaqaalihii saarnaa oo tiradooda 10 lagu qiyaasay loo kaxaystay dhinaca xeebta Degmada Eyl .

Gees kalena ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureedayaa shaaca ka qaaday in ay badbaadiyeen markab laga leeyahay dalka Panama oo ay weerareen Burcad badeed.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay diyaarad Helikopter ah oo gurmad ah ka direen markab dagaal oo ay leeyihiin Kuuriyada Koonfureedoo ku sugan xeebaha Soomaaliya ka dib markii ay qaylo dhaan ka heleen markabka la weeraray.

Burcadda ayaa baxsaday markii ay diyaaradda Helikoptarka ah ay goobtii tagtay.

 

 

 


E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA