VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

04 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Eritrea: Dowladda Somalia Waa Gacan Ku-rimis, Mana Aqoonsanin


04-May-2009

Eritrea
Eritrea
Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Eritrea Cali Cabdou ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan aqoonsanayn Dowlada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid Soomaalida lagu qasbay oo ay soo xuleen Dad Ajanabi ah.

Cali Cabdou oo wareysi siiyay Laanta Af-Somaliga ee VOA ayaa sidoo kale beeniyay inay wax hub ah u direen kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee dagaalka kula jira dowlada Sh. Shariif. Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haatan yaalaan hub ku filan oo ay haystaan kooxaha dagaalada halkaasi ka wada.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Cali Cabdou wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay gacan ku rimis ay ka danbeeyaan dad ajanabi ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaalidu ay yihiin dad awood u leh inay aayahooda ka tashadaan loona baahan yahay in faraha laga qaado si ay u dhistaan Hay'adahooda dowliga.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka jawaabayay soo noqoshada Hogaamiye Xassan Daaahir Aweys uu ku soo noqday iyo inay dowladiisu wax lug ah ku leedahay dhaq-dhaqaaqyada Xassan Daahir uu ka wado Muqdisho, Cali Cabdou wuxuu sheegay in Xassan Daahir uu yahay Sheekh la qadarariyo oo sida uu sheegay karti ku filan u leh inuu hogaamiyo dadkiisa.

Warbixinta Wareysiga VOA Somali la yeelatay Wasiirka Warfaafinta Eritrea waxaad ka dhagaysan kartaa midigta sare ee boggan
.


Download Wareysiga Wasiirka Warfaafinta Eritrea
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Wareysiga Wasiirka Warfaafinta Eritrea
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA