VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

27 April 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Madaxwayne Shariif oo Khartuum Gaaray


27-April-2009

Sh. Sharif Sh. Axmed
Sh. Sharif Sh. Axmed
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.Booqashadan ayaa lagu sheegay mid ay labada dal uga wada hadli doonaan arimaha ay wadaagaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Khartuum Prof. Mahdi Abukar Maxamud ayaa VOA-da u sheegay in booqashada madaxwayne Shariif ay tahay mid rasmi ah, balse waxa uu intaa ku daray in ay aad u gaabnaan doonto.

Danjiruhu waxa uu sheegay in ayan booqashadani wax xiriir ah la lahayn, dadaallo ay xukuumadda Sudan ku doonayso in ay ku dhex-dhexaadiso dawladda Madaxwayne Shariif iyo wadaadka sida wayn uga soo horjeeda xukuumaddiisa Sheekh Xasan Daahir Aways.Si kastaba ha ahaatee, waxa uusan danjiruhu meesha ka saarin in ay arintaasi ka mid noqoto arimaha ay labada dhinac u saaran miiska wada-xaajoodka.

Xukuumadda Sudan ayaa dhawaan dalkeeda ku casuntay Sheekh Xasan Daahir Aways, iyada oo xukuumadduna sheegtay in ay ku jirto dedaal dhex-dhexaadineed oo ay labada dhinac ka dhex waddo.Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay mar jaal ahaayeen madaxwayne Shariif ayaa si wayn uga soo horjeeda xukuumadda uu madaxwaynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.Sheekh Aways dhawaan ayuu magaalada Muqdisho ku noqday, wuxuuna sheegay in mowqifkiisii ayan waxba iska badalin. 


Download Waraysiga Danjire Mahdi
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Waraysiga Danjire Mahdi
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA