VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

04 May 2009 

Maanta iyo VOA:

Warar ku baxa 45 Luqadood
Maamulka Baladwayne oo Dhaliilay Shariif iyo Aways


04-May-2009

Magaalad Baladwayne
Magaalad Baladwayne
Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne ee gobolka Hiiraan ayaa dhalleeceeyay qorshaha madaxwayne Shariif ee ku aadan joogitaanka ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Sheekh Aadan Ibrahim Jilibeey oo maanta shir jar’aadi ku qabtay magaalada Baladwayne ayuu madaxwayne Shariir kula taliyay in uu ku kalsoonaado Soomaalida iyo muwaaqaawimadii uu shalay hogaamihayaha u ahaa, waa siduu hadalka u yiriye.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay, arimo kale oo ay ka mid yihiin soo noqoshada Xasan Daahir Aways, isaga oo ruuxiisa ku dhaliilay kala mudnaansiinta dalalka Ugandha iyo Eritrea, oo uu labadaba ku sheegay waddamo gaalo ah.  “Sheekh Xassan Dahir Aways oo u mahad-celinaya Eritrea Shariifkana ku cambaareeynaya joogitaanka ciidamada Ugandha, waa laba fikradood oo aan is qaadan karin, iskana horimaanaya” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee degmada Baladwayne Sheekh Adan Ibrahim Jilibeey.

Sheekh Adan, waxa kale oo uu dhalleeceeyay dadka fuliya dilalka qorshaysan, isaga oo ku tilmaamay dad leh ujeedooyiin fog-fog oo aan Islaami ahayn.

Magaalada Baladwayne ayaa waxaa ka taliya maxkamadaha Islaamiga ah oo xiriir dhow la leh madaxwayne Shariif, inkasta oo dagaal dhawaan magaalada ka dhacay ay qayb magaalada ka mida ku qabsadeen Ururka xag jira ee Xisbul-Islaam.

Warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa shirka jaraa’id ee guddoomiye Sheekh Aadan Ibrahim ka dhagayso midigta sare ee boggan.

 


Download Warbixinta Dhaqane
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Warbixinta Dhaqane
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub

  Warka kale ee VOA