|
Voice Of America |
Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaa kalkan soo diyaariyay Abdusalam M Jama, waxana summad u ah Dawladda Dhexe iyo Kala Mudnaan Siinta Goolasheeda.Barnaamijka ayaannu diiradda ku saarnay sida ay iskula socon karaan barnaamijka dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ammaanka ee dawladda Shariif iyo xukuumadda Sharmarke iyo arimaha kale ee siyaasadda ama sharciga ee badanaaba ay ka dhashaan khilaafaadka siyaasadeed.
Faaqidaadda waxa noogu martiya:
Pro. Cabdiraxman Cumar Warsame oo ah bare luqaddaha English-ka dhiga Jaamacadda King Sa’ud ee magaalada Riyadh.
Prof. Abdidahir Dirie Sheekh oo ah bare cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, Nairobi ayuu joogaa.
Iyo Ibrahim Macallin Sheekh oo ah dhaqaaleyahan horayna wasiir uga soo noqday xukuumaddii ra’iisul-wasaare Geeddi.
Midigta sare ee boggan uga bago labada qaybood ee barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka.