Communicable Diseases and Epidemiology
Hepatitis A
- Hepatitis A waa fayruska keena infekshanka beerka gala.
- Hepatitis A oo ka duwan hepatitis B iyo C, ma noqdo mid ay dhibaatadiisu raagto.
- Hepatitis A waxaa uu saameyn karaa dadka u safra meelaha cudurka ku badan yahay.
- Calaamaadka waxaa ay caadiyan billaabmaan 2 illaa 6 asbuuc infekshanka kaddib. Muddada iyo dhibaatada cudurka waa ay kala duwan tahay. Dadka badankiis waxaa ay uga bogsadaan 3 asbuuc gudaheed.
- Infekshanka Hepatitis A waxaa uu aad ugu daran yahay da’da weyn, iyo xaaladaha aan caadiga ahay, waxaa uu keeni karaa dhibaatooyin iyo inuu beerka shaqeyn waayo.
- Dadka waa weyn, calaamaadka uu ku billawdo waxaa ka mid ah lalabo (caloosha oo taagan), cunno xumo, matag, shuban, itaal yari, xummad, iyo calool xanuun (xanuunka caloosha iyo dhinaca).
- Kaadi huruud ah ama maariin ah, saxaro midabkeedu caddahay (shuban), iyo cagaarshow (indhaha ama jidhka oo huruud/cagaar ah) ayaa laga yaabaa in ay jirto balse kiisaska badankood ma dhacdo.
- Dadka qaba infekshanka hepatitis A waxaa ay wada qabi karaan calaamaadka dhammaantood ama qaar ka mid ah.
- Dadka qaarkii ee qaba hepatitis A, qaasatan carruurta yar, waxaa laga yaabaa in aysan qabin calaamado ama xanuunka infaluwensada camal oo aan cagaarshow wadan.
SIDEE BUU U FAAFAA HEPATITIS-KA?
|
- Fayruska waxaa uu ku bataa beerka waxaana uu ka soo gudbaa saxarada.
- Hepatitis A infekshannada ka dhasha waxaa ay faafaan goorta gacmaha, cunnada, biyaha ama alaabta ay dadka kale taabtaan (waxyaabaha lagu ciyaaro, qallimada, iwm.) uu soo gaaro saxarada qof infekshanka hayo kaddibna gala afka qof kale.
- Cadadka uu ku faafi karo infekshanka aad buu u yar yahay ishuna ma aragto.
- Hepatitis A waxaa uu ku faafaa siyaalaha soo socda:
- Goorta uu qof infekshanka qaba uusan si fiican isaga dhaqin gacmaha kaddib marka musqusha uu/ay isticmaalo(sho).
- Biyaha la cabo ama kalluunka dhagxaanta ku dhex nool (shellfish) oo uu gaaray fayruska.
- Falalka isutagga haddii aan gacmaha ama afka ay taabtaan saxaro ama qaybo jidhka ka mid ah oo saxaro leh.
- Qofka waxaa uu cudurka gudbin karaa 2 asbuuck ka hor inta aanney billaaban calaamaadka cudurka.
- Hepatitis A ma ku faafo dhunkashada, hindhisyada, ama calyada.
GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA
|
- Hepatitis A waxaa lagu gartaa baaritaanka dhiigga loo yaqaan hepatitis A IgM test.
- Naso, cunno dufanka ku yar yahay, iyo biyo badan ayaa la isugu taliyaa.
- Ka fogow khamriga kala tasho takhtarka inta aadan dawooyin qaadan, oo ay ku jirto Tylenol.
- Gacmaha si fiican saabun iyo biyo diirran isaga dhaq kaddib marka aad suuliga isticmaashid, saxaro ka beddelka carruurta, iyo inta aadan cunno diyaarin ama cunin.
- Suuliyada nadiif ha ahaadeen hana ku jireen saabuun iyo tawallo.
- Waxaad carruurta saxarada uga beddeshaa meel dusheeda sare la nadiifin karo kaddib marka la isticmaalo. Marna saxarada carruurta ha kaga beddelin meelaha cunnada lagu cuno iyo lagu diyaariyaba.
- Kalluunka dhagxaanta ku dhex jira (shellfish) si fiican isaga kari inta aadan cunin.
- Biyaha ka cab meelaha fasaxan oo keliya. Biyaha oo warankiino lagu shubo sida oo ah talobixinta Mareykanka iyo biyaha la karkariyo ama cunnada iyo cabitaanka lagu kariyo ugu yaraa 185° F (85° C) muddo hal daqiiqad ah ayaa celinaysa fayruska hepatitis A.
- Tallaalka Hepatitis A waxaa uu kaa badbaadinayaa hepatitis A-ga sanooyin badan. Tallaalka waxaa uu ka kooban yahay 2 qaybood oo la kala qaato muddo u dhaxeysa 6 bilood.
YAA LAGA TALLAALAYAA HEPATITIS?
|
- Dhammaan carruurta 1-18 jir.
- Ragga isutaga iyo raga dumarka iyo raggaba isu taga.
- Dadka isticmaala mukhaadaraadka sharci darrada ah (kuwa la isku duro iyo kuwa kaleba).
- Dadka caalamka u safra goobaha uu ka jiro hepatitis A: waxaa ka mid ah dhammaan caalamka oo aysan ku jirin, Canada, Western Europe & Scandinavia, Japan, New Zealand, and Australia.
- Dadka beerka si joogta ahi uga xanuunsan, oo uu ku jiro cudurrada beerka ee raaga oo uu ku jiro hepatitis B iyo hepatitis C.
- Dadka qaba dhibaatooyinka dhiigga xirmo, sida kuwa loo yaqaan hemophiliacs.
- Qof kasta oo kale ee doonaya in uu ka badbaado hepatitis A.
WAA MAXAY IMMUNE GLOBULIN (IG)?
|
- Immune globulin (IG) waa shey dhiigga ka samaysan ee ka hortagi kara hepatitis A haddii la isa siiyo 14 cishood gudaheed kaddib marka laga ag dhawaado qof qaba. IG waxaa uu shaqeeyaa 80 90% markiiba.
- IG waa muhiim haddii qofka qaba aan hore looga tallaalin hepatitis A islamarkaanna uu weligii ku dhicin infekshanka hepatitis A.
- Immune globulin waxaa uu hepatitis A-ga badbaadiyaa qiyaastii 3 bilood; Tallaalka ayaa loo baahan yahay si muddada u dheeraato.
- Immune globulin waxaa laguugula talin karaa haddii aad:
- La nooshahay qof qaba hepatitis A.
- Cuntay cunno ama shey afkaaga galay uu taabtay qof qaba infekshanka hepatitis A.
- Falgal isutagmo la sameysay qof qaba hepatitis A.
- U safraysid meel uu ka jiro hepatitis A-ga (eeg liiska sare).
- Tahay canug dhigta, ama shaqaale barnaamij daryeel xanaano iyadoo uu canug ama shaqaale kale qabo hepatitis A.
XANAANADA CARRUURTA IYO GOOBAHA CUNNADA
|
Fadlan si degdeg ah u soo wargeli Waaxda Caafimaadka (Public Health) adigoo wacaya (206) 296 4774 mar alle marka qof cunnada ka shaqeeya, shaqaale daryeel xanaano, ama canug taga daryeelka xanaanada ay ku dhacdo infekshanka hepatitis A.
U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health) (206) 296-4774.
|
|
|