King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
999 3rd Ave, Ste. 1200
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Communicable disease facts » Salmonellosis facts in Somali

Communicable Diseases and Epidemiology
Salmonellosis

gray bullet

WAA MAXAY?

gray bullet

CALAAMAADKA

gray bullet

SIDEE BUU KU FAAFAA?

gray bullet

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

gray bullet

KA HORTAGGA


WAA MAXAY?

  • Waa infekshan uu dhaliyo baktiiryada loo yaqaan Salmonella.
  • Salmonella ayaa caadiyan ah kuwa keena shubanka, balse waxaa ay waxyeelayn karaan qaybo kale ee jidhka oo ay ku jiraan marriinnka dhiigga, lafaha, iyo kalagoysyada.
  • Dadka halista dheeraadka u leh infekshanka Salmonella waxaa ka mida ah carruurta yar, waayeelka, iyo qof kastoo qaab-difaaca jidhkiisu daciifka u yahay cudurrada ama dawooyinka.
  • Salmonella waaxaa ay ku dhacdaa dadka iyo xoolaha badankood, oo ay ku jiraan xamaaratada (sida maska).

CALAAMAADKA

  • Calaamaadka caadiiyan waxaa ay billawdaan 6 - 72 saacadood kaddib marka baktiiryada la liqo.
  • Calaamaadka waxaa ka mid ah:
    • Shuban oo uu la socda calool xanuun
    • Xummad
    • Madax xanuun
    • Matag (mararka qaarkood)
    • Dheecaanka oo ka dhammaada, qaasatan dhallaanka iyo waayeelka.
  • Dadka qaarkii ma qabaan wax calaamad ah balse infekshanka waa ay u gudbin karaan dadka kale.

SIDEE BUU KU FAAFAA?

  • Salmonella-da waxaa ay ku nooshaha mindhicirrada dadka iyo xayawaanka waxaana ay uga baxdaa saxaro ahaan. Haddii dadka qaba ay si fiican gacmaha isaga dhaqi waayaan kaddib marka ay suuliga isticmaalaan, xagga gacmaha ayeey baktiiryada ugu gudbin karaan dadka kale.
  • Salmonella waxaa ay gaari kartaa cunnada, biyaha, ama caanaha, oo ay ku jiraan hilibka, digaag aan si fiican loo karin iyo waxaabaha digaaga ay dhasho, cunnaada aan karsaneyn ama in yar la kariyey ee ukunta ay ku jirto iyo waxyaabaha laga sameeyo, caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo ee aan la karin, iyo cunnada ay gaadhay saxarada qof cunnada kariya.
  • Salmonella waxaa ay gaari kartaa cunnada baktiiryada laga dilay iyadoo la isticmaalayo maacuunta wax lagu kariyo ama meelaha cunnada lagu jarjaro ama qaanadaha oo ay baktiiryada gaadhay.
  • Salmonella waxaa ay sidoo kale ku faafi kartaa marka laga ag dhawaada xoolaha qaba, qaasatan digaagga, qaansiirka, lo’da, bakaylaha, iyo xayawaanka aqallada lagu heysto sida xamaasatada, shimbiraha yar, boolonboolada, qubada yar (diidiin), eeyaha iyo bisadda.

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

  • Infekshanka salmonella waxaa lagu garan karaa baaritaan lagu sameeyo saxarada.
  • Kiisaska badankood, cudurka waxaa uu ku fiicnaada 5-7 cishood gudahooda iyadoo daawo gaar ah la qaadan.
  • Infekshannada xun iyo infekshannada dadka halista dheeraadka ugu jira waxaa ay u baahan yihiin dawada antibiyootikada.
  • Biyo badan cab si aad uga badbaado dheecaan yari (dheecaanka oo kaa dhammaada).

KA HORTAGGA

  • Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo diirran inta aadan cunnada taaban, marka aad cunnada kala duwan taabanaysid, iyo marka aad suuliga isticmaashid kaddib.
  • Si fiican u wada kari dhammaan hilbaha oo idil, qaasatan digaagga, qaansiirka, iyo ukunta.
  • Hilibka aan karsaneyn waa in meel khudradda, cunnada karsan iyo kuwa la cuni rabo ka baxsan la dhigaa.
  • Gacmaha, meelaha cunnada lagu jaro, miiska dushiisa, midida, iyo maacuunta kale waa in si fiican loo dhaqaa kaddib marka la taabto cunnada ceyriinka ah. Jeermiska ka tir dusha meelaha cunnada lagu diyaariyo iyo maacuunta marwalba ee aad isticmaashid (1 qaado oo warankiino ah halkii gallon oo biyo ah). Biyo kale ha ku mayrin udaa si ay u qalasho. Maalin walba diyaari biyo ay ku qasan tahay warankiinada.
  • Ha cunin ukun qayriin ah ama mid aan si fiican loo karin.
  • Waxaad cabtaa oo keliya caanaha karsan ama la warshadeeyey.
  • Alaabta ay carruurta ku saxaroodaan meel habboon ku rid gacmahana si fiican isaga dhaq marka aad ka beddesho.
  • Maadaama maxaasada (masaska) ay aad ugu badan tahay in ay qaadaan salmonella, qof waliba waa inuu si dhaqsiyo ah gacmaha isaga dhaqaan marka ay maxaasada taabtaan.
  • Maxaasada (oo uu diidiinka ku jidho) ma aha xayawaannada aqallada lagu haysto ee carruurta ku habboon mana aha in ay lagu haystaa aqallada ay carruurta joogto.
  • Carruurta iyo dadka weyn ee shubanka qaba ma aha in ay isticmaalaan barkadaha dabaasha dadweynaha isticmaalaan illaa ay ka bogsodaan.

XASUUSNOW: Dadka qaba shubanka waa in ay ka fogaadaan in ay cunno ka shaqeeyaan, fidiyaan daryeel xanaano, iyo daryeel u fidiyaan bukaanka halista u leh. Carruurta shubanka qaba ma aha in la geeyo xannaada.

U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health) (206) 296 - 4774.

Updated: Monday, August 28, 2006 at 05:16 PM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 999 3rd Ave., Suite 1200, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.