Contact Us
Public Health
Seattle & King County 401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104
Click here to email us
Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711
|
|
Communicable Diseases and Epidemiology
Cudurka Meningococcal
- Cudurka meningococcal waa infekshan uu keeno baktiiriyada Neisseria meningitidis (sidoo kale loogu yeedho meningococcus).
- Cudurka Meningococcal waxaa uu wataa infekshano halis ah ee gaara dheecaanka iyo geesaha ku hareersan maskaxda (meningitis), marriinka dhiigga (bacteremia iyo sepsis), sambabaha (pneumonia), iyo kalagoysyada (arthritis).
- Xummad mar ku wada qabata, (caadiyan 102º F amaba ka badan)
- Qarqaryo
- Madax xannuun badan
- Neefsashada oo dhib leh
- Qoorta iyo dhabarka oo adkaada
- Xanuun kalagoysyada ah
- Matag
- Hurdo aad u badan iyo/ama wareer
- Miyirka oo la beelo/qalal
- Firiiric ama goobo midabka baluugga/gaduudka qafiifka ah.
- Carruurta da’doodu ka yar tahay sanad, goobta jilcan ee foolka (fontanel) kor ayeey u barari kartaa.
- Baktiiryada waxaa laga helaa sanka iyo dhuunta qofka buka waxaana uu ku faafaa marka laga ag dhawaado calyada ama dheecaannada sanka iyo dhuunta marka la hadlayo, qufacayo, hindhisaayo, dhunkashada, iwm.
- Dadka caafimaadka qaba ee aan calaamaadka cudurka lagu arkin waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood in ay ku sitaan meningococcus sankooda iyo qoortooda.
- Infekshanka meningococcal waxaa uu ku faafaa iyadoo laga ag dhawaado (tusaale ahaan, dadka wada deggan) mana uu ku faafo marka qol lagula jiro qof infekshanka qaba.
- Waa dhif, in lagu kala qaado wada qaybsiga weelasha wax lagu cuno, ookiyaalka, sigaarka, iyo cadayga.
- Waxaa ay qaadataa 1 illaa 10 cishood laga billaabo xilliga uu qofi qaado baktiiriyada si ay calaamaadka u soo baxaan.
GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA
|
- Dadka qaba cudurka meningococcal caadiyan waxaa ay u baahan yihiin in cusbitaal la geliyo.
- Infekshanka waxaa lagu ogaadaa iyadoo la baaro dhiigga ama dheecaanka lafdhabarka bukaanka.
- Dhammaan dadka ka ag dhawaaday qof qaba cudurka meningococcal waa in uu:
|
1. |
Takhtarkooda u qoraa daawo antibiyootik ah sida ugu dhaqsiyaha badan si ay uga saaciddo ka hortagga cudurka meningococcal.
|
|
2. |
Iska eeg calaamaadka cudurka meningococcal muddo 10 cishood kaddib markii aad ka ag dhawaatay qof cudurka qaba, xittaa haddii ay antibiyootikada qaateen si ay uga hortagaan infekshanka.
|
|
3. |
Islamarkiiba takhtarkooda ha la xiriiraan haddii ay qabato xummad, madax xanuun ama calaamaadka kale ee warqaddani aan ku soo qeexnay. |
- Tallaal: Laga billaabo 2005-ta, Tallaalka looga hortagayo cudurka meningococcal waxaa heli kara dadka u dhexeeya 11 iyo 55 sano. Tallaalka waxaa lagula taliyaa qaangaarka carruurta ku dhow (da’da 11-12 sanadood), ardada sanadka hore ee jaamacadda ku noolaa, iyo dadka kale ee halista dheeraadka ugu jira cudurka meningococcal (la xiriir takhtarkaaga ama qaybta caafimaadka dadweynaha ee xaafaddaada si aad macluumaad dheerad ahi u heshid).
- Tallaalka waxaa sidoo kale isticmaali kara shaqaalaha qaybaha caafimaadka dadweynaha ee deegaanka uu cudurku ku faafay
- Iska ilaali in aad ka ag dhawaataa dadka qaba infekshannada neefta (ee qufaca oo hindhisana)
- Ka fogow cunnada, cabitaanka, sigaarka, ama weelasha wax lagu cuno.
- Gacmaha iska dhaq ka hor iyo kaddib cunnada iyo kaddib marka aad qufacdid ama hindhistid.
U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health): (206) 296 - 4774.
|
|
|
|