King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Communicable disease facts » Hepatitis B fact sheet in Somali

Communicable Diseases and Epidemiology
Hepatitis B-ga Daran

gray bullet

WAA MAXAY?

gray bullet

CALAAMAADKA

gray bullet

HEPATITIS B-GU MA FAAFAA?

gray bullet

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

gray bullet

KA HORTAGGA INFAKSHANKA HEPATITIS B

gray bullet

YAA U BAAHAN TALLAALKA HEPATITIS B?

gray bullet

WAA MAXAY HEPATITIS B IMMUNE GLOBULIN (HBIG)?


WAA MAXAY?

  • Hepatitis B waa cudur daran ee ka dhasha fayruska infekshanka gaarsiiya beerka.
  • Micnaha infekshan darani waa infekshan cusub.
  • Infekshanka Hepatitis B-ga daran mararka qaarkood waxaa uu keenaa infekshan raaga infekshan mararka qaarkood infekshanka raaga waxaa loo yaqaan hepatitis B (sidoo kale loogu yeedho marxaladda “sidaha”).
  • In ka badan 90% dhallaanka, 50% carruurta, iyo 5% waayeelka qaba hepatitis B-ga daran waxaa ay ku noqotaa mid raagta ama infekshan muddo dheer socda.
  • Kiisaska qaarkood, hepatitis B-ga daran waxaa uu keeni karaa cudurrada beerka oo ay ku jirto cirrhosis iyo kansarka (burada) beerka gasha.
  • Tallaalka hepatitis B waxaa heli kara da’ walba si looga hortago infekshanka hepatitis B.

CALAAMAADKA

  • Caadiyan calaamaadka waxaa lagu gartaa 6 asbuuc illaa 6 bilood kaddib marka uu fayruska soo gaaro (qiyaasta 2 bilood).
  • Dadka waaweyn, calaamaadkooda waxaa ka mid ah lalabo (caloosha kacsan-upset stomach), cunno xumi, matag, daal, iyo calool xanuun.
  • Kaadi huruud ah ama maariin ah, saxaro midabkeedu caddahay (shuban), iyo cagaarshow (indhaha ama jidhka oo huruud/cagaar ah) ayaa laga yaabaa in ay jirto.
  • Dadka qaba infekshanka hepatitis B waxaa ay wada qabi karaan calaamaadka dhammaantood ama qaar ka mid ah ama midnaba, ee calaamaadka dusha sare ku yaal: Ku dhawaad dhallaanka oo idil iyo carruurta iyo 50% wareelka qaba infekshan daran (cusub) maba ay qabaan wax calaamaad ah haba yaraate.
  • Muddada uu cudurka soconayo waa ay kala duwan tahay, dadka badankiis waa ay ka bogsoodaan 3 asbuuc gudaheed.

HEPATITIS B-GU MA FAAFAA?

  • Fayruska waxaa uu ku nool yahay beerka waxaaana uu ku jiraa dhiigga iyo dheecaannada jidhka qaarkood.
  • Faafidda waxaa ay dhacdaa marka la taabto dhiigga ama dheecaannada jidhka uu fayruska ku jiro, sida wada qaybsiga irbadaha la isku duro, falalka isutagmo (rag iyo rag iyo rag iyo dumar), xilliga dhalashada canugga, alaab wada qaybsiga qof qaba hepatitis B, iyo wada qaybsiga qalabka nadaafadda (sida cijiyo jar, sakiin, cadayga).
  • Tirada fayruska waxaa uu ku badan yahay dhiigga iyo dheecaannada nabarrada ka soo baxa, balse waxaa uu sidoo kale ku jiraa isagoo yar biyaha raga/dumarka, dheecaannada iyo caadada haweenka.
  • Inkastoo tiro yare e fayruska laga heli karo calyada, balse uma badna in calyadu ay faafiso hepatitis B, waa haddii uusan qof infekshanka qaba marka af wax ku goosashada uu dhaawac ka soo gaaro.
  • Hepatitis B kuma faafo dhunkashada iyo hindhisyada.

GARASHADA CUDURKA AND DAWAYNTA

  • Hepatitis B waxaa lagu gartaa baaritaannada dhiigga.
  • Nasasho, cunno dufanka ku yar yahay, iyo biyo badan ayaa la isugu taliyaa. Ka fogow khamriga.
  • Daawo ma laha hepatitis B-ga daran.
  • Dhowr nooc oo daawo ah ayeey heli karaan dadka qaba hepatitis B-ga daran. Takhtarkaaga kala hadal daawaynta hepatitis B-ga daran.
  • Kala tasho takhtarka inta aadan dawooyin qaadan, xittaa oo ay ku jirto Tylenol (acetaminophen) oo ka mid ah dawooyinka meel kasta laga helo.

KA HORTAGGA INFAKSHANKA HEPATITIS B

  • Tallaalka Hepatitis B waa qaabka ugu wanaagsan ee looga badbaado infekshanka fayruska hepatitis B. Tallaalka waxaa uu ka kooban yahay 3 qaybood oo ay u kala dhaxeyso 6 bilood (waxaana la raacin karaa tallaalka hepatitis A).
  • Haddii aad isticmaasho mukhaadaraadka la isku duro, cidna ha la qaybsanin irbadaha, mukhaadaraadka, isku qaska mukhaadaraadka, xarigga dhuujiyaha (tourniquets), ama waxyaabaha dhammaan loo isticmaalo isku duridda irbadaha mukhaadaraadka sharci darrada ah sida irbadaha, saliingooyinka, weelasha lagu kariyo, suufka, qaadada, ama indho-shubka.
  • Falgallada isutaggaagu ha noqdo mid taxaddir leh: waxaad isticmaashaa salbatiifo nooc kasta ee isutag ahi, oo ay ku jiraan, afka, xagga dambe, iyo xagga horeba.
  • Cidna ha la isticmaalin alaabta nadaafadda, sida sakiimaha xiiritaanka, cijiyo jarka, cadayga, ama shukumaannada.
  • Sharooto kula xir dhammaan meelaha ku sarma iyo nabarrada.
  • Shaqsiyaadka aan laga tallaalin ama uusan hore ugu dhicin hepatitis B xiriir isutagmo ama ka ag dhawaashada qof qaba hepatitis B waxaa uu heli karaa dawada tallaalka hepatitis B, mararka qaarkood, dawo loo yaqaan HBIG (hoos eeg) si infekshan looga hortago.

YAA U BAAHAN TALLAALKA HEPATITIS B?

  • Dhammaan dhallaanka, carruurta iyo qaangaareyaasha ka yar 20 jir.
  • Qof waliba ee falgallada isutagmo sameeya isagoon/iyadoon xiriir/guur qof keliya ku eg lahayn.
  • Cid walba oo laga baaray ama laga daweeyey cudurrada isutagga lagu kala qaado.
  • Dadka mukhaadaraadka hore ama waqti xaadirka qaata.
  • Dhibbaneyaasha xoog loogu tago
  • Dadka u safra meelaha uu ka jiro hepatitis B (aysan ku jirin Canada, Western Europe & Scandinavia, New Zealand & Australia.)
  • Dadka beerka si joogta ahi uga xanuunsan, oo uu ku jiro hepatitis C.
  • Shakhsiyaadka qaba xanuun kilyaha oo joogta ah ee uu ku jiro kuwa mashiinka looga safeeyo (dialysis - peritoneal or hemodialysis) IYO kuwa aan mashiinka looga sifeynin.
  • Shakhsiyaadka qaba infekshanka HIV.
  • Daryeelka caafimaadka, sheybaarka iyo shaqaalaha badbaadada dadweynaha ee dhiigga ka ag dhow goobta shaqada.
  • Maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiyada federaalka, gobolka iyo degmada
  • Degganeyaasha iyo shaqaalaha machadyada dadka korriinka ka itaal-darran.
  • Xiriirrada aqalka iyo falgal isutagmo loogu tago qof qaba hepatitis B oo joogta ah.
  • Carruurta caalamka ee laga keensada si loo korsado qaasatan meelaha uu ka jiro hepatitis B.
  • Dadka qaba dhibaatooyinka dhiigga xirmo, sida kuwa loo yaqaan hemophiliacs.
  • Qof kasta oo kale ee doonaya in uu ka badbaado hepatitis B.

WAA MAXAY HEPATITIS B IMMUNE GLOBULIN (HBIG)?

  • Hepatitis B immune globulin (HBIG) waa shey laga sameeyo dhiigga kaasoo ka hortagi kara hepatitis B haddii la qaato 14 cisho gudahood kaddib marka laga ag dhawaado qof infekshanka qaba.
  • HBIG waxaa ay shaqeeysaa 85 90% markiiba waxaanna ay kaa badbaadinaysaa hepatitis B qiyaastii 3 bilood.
  • HBIG waa shardi haddii qofka aan hore looga tallaalin hepatitis B uusanna hore u qaadin infekshanka hepatitis B
  • HBIG oo la raaciyo 3 tallaal ee hepatitis B waxaa la isticmaali karaa kaddib marka laga ag dhawaado dhiigga ama dheecaanka ka dhasha falgallada isutagmo (tus., isutag) kaddib marka la ogaado qof qaba hepatitis B-ga daran.

U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health) (206) 296 - 4774.

Updated: Monday, July 24, 2006 at 03:56 PM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.