King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
999 3rd Ave, Ste. 1200
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Communicable disease facts » Yersiniosis facts in Somali

Communicable Diseases and Epidemiology
Yersiniosis (Infekshanka Yersinia ee mindhicirrada)

gray bullet

WAA MAXAY?

gray bullet

CALAAMAADKA

gray bullet

SIDEE BAY YERSINIA U FAAFTAA?

gray bullet

GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA

gray bullet

KA HORTAGGA


WAA MAXAY?

  • Yersiniosis-ka waa infekshan mindhicirrada (caloosha) gala oo u keenay baktiiryada (jeermiska) loogu yeedho Yersinia enterocolitica.
  • Baktiiryada waxaa laga helaa saxarada (dhaqdhaqaaqa caloosha) ee dadka iyo xayawaanka, qaasatan qaansiirka qaba.
  • Yersinia enterocolitica badanaa waxaa ay saameysaa carruurta.

CALAAMAADKA

  • Calaamaadka caadiyan waxaa ay billawdaan 3 illaa 7 cishood kaddib marka laga ag dhawaado waxaanna ka mid ah:
    • Shuban
    • Calool xanuun
    • Xummad
    • Calaamaad kale sida lalabo ama matag
  • Mararka qaarkood calaamaad ma laha, balse saxarada ayeey baktiiryada soo raaci kartaa. Dadka aan qaadan daawada antibiyootikada waxaa ay baktiiryada saxaradoodaa ku jiri kartaa 2 illaa 3 bilood, xittaa haddii aanney calaamado qabin.

SIDEE BAY YERSINIA U FAAFTAA?

  • Dadka waxaa ay infekshanka ka qaadi karaan cunnada halaysan, qaasatan qaansiirka cayriinka ah ama aan si fiican loo karin, caanaha aan la karin, iyo iyagoo ka ag dhawaada xayawaanka qaba ama biyo halaysan.
  • Dadka qaba ee aan gacmahooda si fiican u dhaqin kaddib marka ay isticmaalaan suuliga waxaa ay infekshanka u gudbin karaan dadka kale.

GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA

  • Baktiiryada waxaa lagu garan karaa baaritaanka saxarada.
  • Xaaladaha daran, takhtar ayaa u qori kara antibiyootic lagu daweeyo infekshanka Yersinia.

KA HORTAGGA

  • Ha cunin qaansiir cayriin ah ama aan si fiican loo karin.
  • Waxaad cabtaa oo keliya caanaha la kariyey iyo alaabta laga sameeyo.
  • Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo inta aadan cunnada cunin amaba diyaarin, marka aad xoolaha ka ag dhawaato, iyo marka aad hilib taabato.
  • Marka aad calooleyda taabato, gacmaha iyo cijiyaha isaga dhaq saabuun iyo biyo inta aadan taaban dhallaanka ama alaabta ay ku ciyaaraan, dhalooyinka, ama waxyaabaha afka loo geliyo.
  • Haddii aad diyaariso calooley, ha taaban carruurta amaba ha diyaarin cunnadooda inta aad calooleyda ku hawlan tahay.
  • Isticmaal meel ka duwan meelaha aad ku goyso cunnada kale iyo hilibka.
  • Si taxaddir leh u nadiifi meelaha aad ku goysay, miiska dushiisa iyo maacuunta adigoo isticmaalaya saabuun iyo biyo kulul marka aad diyaariso kaddib.
  • Si nadaafad leh u tuur saxarada xayawaanka.

XUSUUSNOW: Dadka qaba infekshanka Yersinia ma aha in ay ka fogaada in ay cunno ka shaqeeyaan, fidiyaan daryeel xanaano ama daryeel bukaan oo toos ah illaa calaamaadka ay ka dhammaadaan.

U soo sheeg kiisaska oo idil adigoo waca Caafimaadka Dadweynaha (Public Health) (206) 296 - 4774.

Updated: Tuesday, August 22, 2006 at 02:07 PM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 999 3rd Ave., Suite 1200, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.