![](https://webarchive.library.unt.edu/eot2008/20080922042921im_/http://www.metrokc.gov/health/images/govdelivery-subscription-leftnav.gif)
Contact Us
Public Health
Seattle & King County
999 3rd Ave, Ste. 1200
Seattle, WA 98104
Click here to email us
Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711
|
|
Communicable Diseases and Epidemiology
Pertussis (Hiiq-Dheer)
- Pertussis waa infekshanka baktiiriyada dhalisa taasoo keenta qufac iyo xummad yari amaba la'aan.
- Qufaca waxaa uu keeni karaa matag ama sixasho. Dadka qaarkii ee qaba infekshanka waxaa ka yeedha dhawaaq “hiiq leh” marka uu qofi neefsanayo goorta uu qufacayo amaba kaddib.
- Pertussis waxaa uu halis dheeraad ahi u yahay dhallaanka ka yar 1 jir ee u baahanaya cusbitaal una keeni karto baktiiryada sambabaha gasha (pneumonia), gariir, iyo dhif ahaan, dhaawac maskaxda gaaara ama dhimasho.
- Dhallaanka waxaa ay pertussis ka qaadan xubnaha qoyska ka tirsan ama dad kale oo infekshan-ka qaba.
- Dhibaatooyinka waa ay ku yar thay carrurta weyn iyo dadka weyn.
- Calaamaadka waxaa ay soo baxdaa inta u dhaxeysa 6 illaa 21 maalmood (qiyaastii 7-10) kaddib marka laga ag dhawaado qof qaba.
- Pertussis waxaa uu caadi ahaan ku billawdaa sida calaamaadka durayga (sanka dareera, qufac) oo uu xigo qufac xun ee socon kara 1-2 bilood.
- Matagga waxaa uu dhici karaa marka la qufaco kaddib.
- Qofka waxaa laga yaabaa in uu u ekaado qof caafimaad qaba xilliga qufaca.
- Carruurta tallaalan ee dugsiga dhigta, qaangaarka iyo dadka weyn calaamaadkooda waa ay ka fudud tahay tan carruurta yar.
- Pertussis waxaa uu ku faafaa marka la iska ag dhawaado oo dheecaannada afka iyo sanka ka yimaada marka qofka infekshanka qaba uu qufaco, hindhiso ama hadlo.
- Dadka lagaga daweeyo antibiyootikada waa laga qaadi karaa 5 cishood ee ugu horreysa illaa daawada antibiyootikada si habboon loo qaato loona dhammeysto.
- Kuwa aan laga tallaalin ama dadka aan tallaalka dhammaysan ayaa halis dheeraad cudurka ugu jira.
- Kiisaska badankood waxaa uu ku dhacaa dadka wey iyo carruurta da’doodu sarreyso waayo difaaca tallaalka waxaa uu jiraa 5 illaa 10 sannadood kaddib markii u dambeysay.
- Tallaalka pertussis waxaa uu ka daafacaa dhallaanka cudurka halistiisa iyo dhimashada, balse xittaa dadka tallaalka qaatay waxaa ay qaadi karaan halis ka yar infekshanka cudurka.
- Antibiyootikada ayaa loo isticmaala la dagaallanka baktiiryada pertussis iyo dawaynta iiyo ka hortagga faafitaanka pertussis uu dadka kale ugu faafo, qaasatan carruurta, haweenka uurka leh, iyo xubnaha qoyska.
- Biyo badan cab si aad uga badbaado dheecaan yari (dheecaanka oo kaa dhammaada).
- Tallaalka pertussis waxaa ku jira tallaalka DTaP (iyadoo la raacinayo difaaca diphtheria iyo tetanus-ka).
- Ka hor da’da 7, carruurta waa in ay qaataan 5 qaybood ee tallaalka DTaP.
- Waxaa tallaaladani la siiyaa caadiyan marka ay carruurta jiraan 2, 4, 6, iyo 15-18 bilood* iyo 4 - 6 jir.
- Tallaalka 4-aad waxaa la siin karaa laga billaabo 12 bilood jirka.
- Sannadka 2005, xoojiyaha DTap ayaa lagula taliyey in carruurta qaangaarka ah ama ku dhow 11-12 sanadood (iyo illaa 18 jirka)
- Dadka qaba pertussis waa in ay aqalkooda ku ekaadaan kana fogaadaan in ay u dhawaadaan dadka kale illaa 5 cishood ay antibiyootikada dawaysa pertussis ka dhammaysanayaan..
- Haddii aad ku nooshay meel ku dhow qof qaba perussis waxaa fiicnaan lahayd in aad qaadatid antibiyootikada si aad uga hortagtaa pertussis-ka la xiriir takhtarkaaga.
- Dadka qaba cudurrada qufaca waa in ay ka fogaadaan dhallaanka iyo hooyada uurka leh, oo uu ku jiraan kuwa ka shaqeeya qaybaha haweenka uurka leh, umulisada, dhalmada, qaybta dhallaanka iyo xanaanada carruurta.
- Ka taxaddir in aad dhallaan la qaybsatid cunno, alaabta lagu ciyaaro, ama waxyaabo kale ee laga yaabo in ay gaareen dheecaannada afka iyo sanka ee qof kale.
Kiisaska oo idil soo wargeli Waaxda Caafimaadka Dadweynaha adigoo wacaya (206) 296 - 4774.
|
|
|
|